
Doorka Ilmaha
Waalid ahaan waxaad badanaa ku bixisaa waqtigaaga inaad ahaato waalid wanaagsan, adoo samaynaya wax kasta oo aad u awoodo ilmahaaga marka aad isu miisaamayso baahida iyo dalabka nolol mashquulla.
Waxaad si soo siyaadaysa u dareemaysaa inaad tahay maamule- maaraynta guriga, maaraynta waqtiga, maaraynta shaqada iyo maaraynta dabeecada carruurta.
Badanaa, maanta , waxaan maqalaa kharajka carruurta maadi ahaan, dhinacyada dhaqaalaha, bulshada iyo shaqada. Waxaan maqalaa sida waalidku ugu hibeeyaan carruurtooda noloshooda si ay carruur u hellaan.
Mararka qaarkood waa sahlan tahay in la lumiyo wixii muhiima. Noloshaan mashquulka ah waxaa waqtigaaga qaataa kama muuqdo waxaad samayn karto laakiinse siyaallaha aad wax uga qaban lahayd.
Carruurtaadu waxay u kobciyaan noloshaada siyaaba badan
Carruurtu waxay siiyaan waalidka:
- Jacayl aan shardi ku xirnayn
- Waxay kuu arkaan meesha laga hello amaanka ugu weyn, qofka ugu wax garadsan uguna geesisan adduunka
- Fursad lagu noqdo halyey
- Fursada lagu noqdo mar kale ilmo adoo la wadaagaya adduunka cajiibka ah ee soo baxaya.
- Fursada lagu hellayo xoogga qiirada iyo awooda badan iyo xirfado kuwaas oo laga yaabo inay kaa qarsoonaan lahaayeen la'aantood.
- Fursada aad ku gudbiso waxaad qiimayso, dabeecadaada iyo waxaad ka qabto adduunka
- Fursada aad dib ugu noqoto farxada iyo kalgacalka cayaarta carruurta
- La qaybsiga qosolkooda qiimaha leh
- Fursada dib loogu noqonayo ilmanimada
- Fursada waqti lagaga qaadanayo koritaanka ama weynaanta









